Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo burburiyey garoonka diyaaradaha Buuloburte


Garoonka Buuloburte
Garoonka Buuloburte

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay qarax lagu xiray gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Buoloburte, kaasi oo sidoo kale burbur xoog leh uu kasoo gaaray qeybo ay ka mid yihiin dhismahii xafiisyada garoonka.

Gudoomiyaha degmada Buloburte Axmed Mahad Nuur ayaa weriyaha VOA ee magaalada Beledweyne u sheegay in Al-Shabaab ay ka dambeysay qaraxyada ka dhacay garooonka Buloburte.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay si dhuumaaleysi ah ku soo galeen garoonka, kaddibna ay qaraxa ku xireen qeybta matoorka korontada ee garoonka.

"Waxaan aad u cambaareynayaa falka argagixisada Alshabaab ay maanta ku burburiyeen garoonkii diyaaradaha degmada Buulaburde ee Gobolka Hiiraan. Waxay caadeysteen in ay cunnaqabateeyaan dadka masaakiinta ee aan waxba galabsan, dhibaateeyaan, isla markaana kala dagaalamaan horumar kasta oo ay bulshada ku hammiso," ayuu bartiisa Facebook ku soo qoray xildhibaan Cabdullaah Goodax Barre oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ee laga soo doorto gobolka Hiiraan.

Waa markii labadaad ee weerar nuucan ah lala beegsado garoonkan oo ka mid ah garoomada sida caadiga ah u shaqeeya ee gobolka Hiiraan.

Warbiixntan waxaa soo diray Xuseen Xasan Dhaqane.

Al-Shabaab oo burburiyey garoonka diyaaradaha Buuloburte
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:44 0:00


XS
SM
MD
LG