WASHINGTON —
Qaramada Midoobay, Maraykanka, Midowga Yurub iyo waddamada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya, iyagoo ku baaqay in si nabadgelyo ah loo xaliyo si geedi socodka doorashada aanu u hakan.
Haddaba, baaqyada ka sokow, culeys noocee ah ayaa beesha caalamku saari kartaa madaxweynaha iyo RW, si ay xal u gaaraan?
Arrimahan ayay Sahra Cabdi Axmed ka wareystay, Dr. Maxamud Maxamed Culusow oo ah aqoonyahan, haatan ku sugan gobolka Virginia ee dalkan Maraykanka, waxayna ugu horreyn weydiisay wuxuu ku qiimeyn karo walaaca beesha caalamku ayka qabto khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya.