Magaalada Jowhar ee maamulka Hirshabelle waxa wali ka socda doorashada aqalka sare, iyadoo halkaasi maanta lagu dooranayo laba kursi, halka laba kursi oo kalena la isku-haysto oo khilaaf uu ka taagan yahay.
Qaar ka tirsan musharrixiinta oo ka ka carooday hannaanka wax looga wado ayaa jowhar isaga tagay. Wararkii u danbeeyey ee arrimaha doorashada Hirshabelle ka socota waxaa inoo haya weriyaha VOA ee bartamaha Soomaaliya Xuseen Xasan Dhaqane.