Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Falanqeyn ku saabsan khilaafka sii xoogeysanaya ee Farmaajo iyo Rooble


Farmaajo Rooble
Farmaajo Rooble

Khilaafka siyaasadeed u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaan weli wax xal ah laga gaarin, waxaana khilaafka uu ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil oo aheyd sarkaal ka tirsan hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsuggidda Qaranka ee NISA.

Xallinta khilaafkan waxaa ku fashilmay Madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Koonfur-Galbeed.

Dinaca kale, xubnaha beesha caalamka ee ku sugan Soomaaliya ayaa qoraal ay fiidnimadii xalay soo saareen ugu baaqay labada mas’uul in khilaafkooda ay dhinac iska dhigaan oo ay culeyska saaraan arrimaha doorashada.

Haddaba wariyaha VOA ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed ayaa dood kooban oo ku saabsan khilaafka labada mas’uul ee ugu sarreeya Soomaaliya waxa uu dhex dhigay Nabaddooon Cabdicasiis Cabdi Gaaciye oo ka mid ah odayaashii ka qeybgalay shirarkii nabadeynta ee kooxaha Soomaalida, Maxamed Ibraahim Guuleed oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee Nairobi ku nool, iyo Fuaad Axmed Xuseen oo ah aqoon yahan.

Ugu horreyn ayuu Khadar weydiiyay nabaddoon Cabdicasiis sida ay ula muuqato xaaladda hadda taagan?

Falanqeyn ku saabsan khilaafka sii xoogeysanaya ee Farmaajo iyo Rooble
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:45 0:00


XS
SM
MD
LG