Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Djibouti: Dayuuraddii wadday Fahad Yaasiin oo dib ugu duushay Turkiga


Wararka ugu dambeeya ee VAO helayso ayaa sheegaya in dayuuraddii sidday La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay dib ugu dooshay magaalada Islambul.

Goor hore ee maanta ah ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibout Maxamuud Cali Yuusuf oo farriin uu soo dhigay bartiisa twitterka uu ku yiri "Dhammaan rakaabkii saarnaa dayuuraddii Turkish Airways ee maanta ee Muqdisho u socotay ay ku noqon doonto Istambul si ay u raacaan duullimaad kale oo Muqdisho u socda."

Arrintan ayaa timid ka dib markii af-hayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi uu xannibaadda Fahad Yaasiin ku tilmaamay mid aan sharci ahayn oo aan sii xoojinayn xiriirka labada dawladood. Waxa u sheegay in dawladda Soomaaliya ay ka xuntahay falka ku xadgudubka ah ee xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah, sida uu hadalka u dhigay.

War saxaafadeed kasoo baxay Af-hayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawlada Jabuuti ay Fahad Yaasiin ku xannibtay garoonka diyaaradaha ee Jabuuti.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG