Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha oo ku baaqay in faragalinta laga daayo baaritaanka kiiska Ikraan


Ikraan Tahliil
Ikraan Tahliil

Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa codkooda ku biiriyay kiiska Ikraam Tahliil Faarax ee xiisadda ka dhex dhaliyay madaxda sare ee dowladda Federaalka ah ee Soomaliya.

Cabdullahi Calas Jimcaale, oo ka mid ah difaacayaasha xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya, muddo dheerna ahaa baare xadgudubyada xuquuqda aadamiga ah ayaa ku talinaya in baaritaanka kiiska Ikraan uu ka madax banaannaado madaxda dowladda Soomaaliya, si qoyskeedu ay cadaalad ugu helaan sharciga hortiisa.

Wariyaha VOA ee Washington Caasha Ibrahim Aden ayaa Cabdullahi Calas kula xiriirta khadka taleefanka ee dalka Sweden, waxayna marka hore waydiisay waxa uu isleeyahay ilaa iyo hadda waa la dhinac maray oo ay ahayd in laga qabto kiiska Ikraan.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha oo ku baaqay in faragalinta laga daayo baaritaanka kiiska Ikraan
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:06 0:00


XS
SM
MD
LG