Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyay ee loolanka awoodeed ee u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble


Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda sare ee dowladda Soomaaliya ayaa sii xoogeysanaya xilli dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah, waxaana Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble war uu xalay soo saaray uga horyimid hakintii shalay uu sheegay in uu ku sameeyay madaxweyne Farmaajo.

Rooble ayaa ku eedeeyay madaxweynaha ku xad-gudub xagga sharciga ah.

Dhinaca kale madaxda shanta maamul Goboleed oo xalay khadka taleefanka ku shiray ayaa usoo jeediyay labada mas'uul ee dalka gu sarreysa iney wadahadal ku wajahaan marxaladda taagan dhinaca doorashadana loo jiheyso.

Warbin arrimahan oo dhan soo koobeysa waxaa noo soo diray weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow.

Wararkii ugu dambeeyay ee loolanka awoodeed ee u dhexeeya Farmajo iyo Rooble
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:06 0:00


XS
SM
MD
LG