Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay inuu hakiyey awoodihii Ra'iisul Wasaaraha


Farmaajo iyo Rooble
Farmaajo iyo Rooble

Madaxweynaha Soomaaliya Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inuu hakiyey awoodaha Wasiirka Koowaad iyo dhammaan warqadaha kasoo baxa, gaar ahaan xilkaqaadis ama xilmagacaabis, inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka.

War-saxaafadeedka ayuu Farmaajo ku sheegay inuu tallaabadan qaaday “Markuu arkay tallaabooyinka khilaafsan Dastuurka KMG ah ee uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha, kana weecday waajibaadkii loo igmaday Xukuumadda ee ahaa ka shaqeynta doorashooyinka iyo amniga doorashooyinka.”

Waxa uu sidoo kale sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu qaadanayo tallaabooyin aan laga fiirsanin oo dalka u jiheyn kara qalaase siyaasadeed iyo mid amni, uuna sameynayo isku day ku xadgudub xuquuqda iyo mushaaraadka Ciidamada Qalabka, sida iyo awood si khaldan u isticmaalid hay’adaha qaarkood, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

“Markuu xaqiiqsaday in Ra’iisul Wasaaraha latashi iyo wada shaqayn la lahayn Madaxweynaha, isaga oo ku dhaqaaqay inuu soo saaro go’aanno ku keli ah oo aan waafaqsanayn shuruucda iyo Dastuurka dalka taas oo ay ka dhalatay xil-gudasho la’aan,” ayuu yiri madaxweynaha.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, madaxweynuhu wuxuu xeeriyay qodobadan;

1- Maadaama Wasiirka Koowaad ee XFS uu jabiyay Dastuurka KMG ah, waxaa la hakiyay awoodaha Wasiirka Koowaad iyo dhammaan warqadaha kasoo baxa, gaar ahaan xilkaqaadis ama xilmagacaabis, inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka oo ay u xilsaaran yihiin Guddiyada Madaxabannaan ee magacaaban.

2- Inta lagu jiro xaaladdan, hay’adaha kala duwan ee dowladdu waxay sii wadayaan hawlaha ay shacabka ugu adeegayaan ee lagama maarmaanka u ah socodsiinta hawlaha xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 102aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah oo si cad u qeexaya in Wasiir kasta uu isagu masuul ka yahay Howlaha Wasaaraddiisa, ayna tahay in lagu tixgeliyo, iyagoo aan ku dhaqaaqi karin xil ka qaadis iyo xil magacaabis inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka.

“Sidaas darteed, waxaa lagu dhiirrigelinayaa dhammaan hay’adaha ay khuseeyso hawlaha doorashooyinka inay dardargeliyaan si waafaqsan Jadwalka Doorashooyinka ee la faafiyay,” ayaa lagu yiri wareegtada.

Ra’iisul Wasaarah Soomaaluya Maxamed Xuseen Rooble ayaan weli ka jawaabin hadalkan.

Labada nin ayaa isku khgilaafay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd sarkaala dka tirsan NISA oo la la’yahay.

XS
SM
MD
LG