Xilli doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka ay gagabo ku dhowdahay ayaa cilmibareeyaasha iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed ay soo jeedinayaan in cashar laga barto khaladaadkii dhacay, marka la guda galayo doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee golaha shacabka.
Waxaa jira walaac ay haweenka ka qabaan xaqiijinta kaalintooda matalaadda golaha shacabka iyagoo sheegay in waxii ay filayeen aysan uga soo bixin doorashada Aqalka Sare. Aqoonyahanka ayaa sidoo kale muujinaya rajo ah in dhalinyaro badan ay golaha soo gali karaan.
Haddaba gudiyada doorashooyinka heer federal iyo dowlad goboleed maxay uga dhigan tahay ama ay ka baran karaan doorashada Aqalka Sare.
Warbixintaan dhinacyo badan taabanaysa oo arrimahaasi ku saabsan waxaa inoo diyaariyay Cabdulqaadir Maxamed Maxamed Mursak Samakaab.