Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Agaasime cusub ee loo magacaabay taliska NISA ee Gobolka Banaadir


NISA

Agaasimaha KMG ee hay’adda NISA ee uu Ra’iisul Wasaare Rooble dhowaan magacaabay Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa maanta Taliyaha Nabad-Sugidda ee gobolka Banaadir u magacaabay Gaashaanlle Muxidiin Maxamed Jimcaale (Warbac), sida lagu sheegay qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda.

Warqadda ayuu Bashiir ku yiri “Danta shaqada qaranka awgeed, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/09/2021, waxaan u magacaabay Sarkaalka G/lle: Muxidiin Maxamed Jimcaale (Warbac) inuu noqdo Agaasimaha HNSQ ee Caasimadda."

Waxa uu sidoo kale faray dhammaan agaasinada Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inuu ka guto mid walba waajibaadkiisa.

Xilka agaasimaha gobolka Banaadir ayaa waxaa horey u hayey Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, hase yeeshee dhowaan ayaa madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay inuu Yaasiin u magacaabay agaasimaha guud hay’adda NISA.

Hay’adda NISA ayaa hadda leh laba agaasime oo ay kala magacaabeen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Nadaxweyne Farmaajo, kuwaas oo kala ah: Bashiir Maxamed Jaamac iyo Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG