LONDON —
Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maryan Cabdi Xuseen ayaa ku guulaystay mid kamid ah kuraasta baaralamanka ee xisbiga Hanti-wadaagga ee garabka bidix ee dalka Norway.
Guusha Maryan Cabdi Xuseen ayay si weyn ay u soo dhoweeyeen Soomaalida dalka Norwey, waxaana ay noqonaysaa gabadhii ugu horeysay ee kasoo jeeda qaaradda Afrika oo kamid noqota baarlamanka dalkaasi.
Wariyaha VOA-da ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayey uga warantay siyaasadda xisbigeeda iyo xiliga sida rasmiga ah loogu dhawaaqi doono natiijada doorashada baarlamanka dalka Norwey.