Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muuse Suudi oo dib loogu doortay Aqalka Sare


Muuse Suudi
Muuse Suudi

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa dib loogu doortay kursiga Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya ee uu hadda ku fadhiyo, doorasho ka socoto magaalada Jowhar.

Muuse Suudi Yalaxow ayaa ka guuleystay Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci), isaga oo helay helay 55 cod, halka Axmed Daaci uu ka helay 43 cod. Doorashada ayaa waxaa codeeyey 98 xildhibaan oo ka tirsan xildhibaanada HirShabeelle

Muuse Suudi iyo Axmed Daaci ayaa wareegga ugu dambeeyey isugu soo haray kadib markii uu tanaasulay Cabdullaahi Sheekh Xasan oo wareeggii koowaad ku helay 15 cod.

Kursigan ayaa ka mid ahaa kuraasta ugu loolanka adag, waxaana sida ka muuqata codadka ay ka heleen Muuse Suudi iyo Axmed Daaci dhacay tartan adag.

Xildhibaanada HirShabeelle ayaa weli fadhiya, waxaana lagu wadaa inay doortaa caawa laba kursi oo kale oo ka mid ah Aqalka Sare.

XS
SM
MD
LG