Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho


Qarax (Sawir hore)

Wararka ka imanaya Muqdishu ayaa sheegaya in ugu yaraan 11 qof ku dhinteen qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay degmada Wadajir ee dhinaca Koonfureed ee magaalada.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay maqaayad shaaha laga cabo oo ku taal meel lagu qaado canshuurta dowlada hoose, sida ay ilo wareedyo u sheegeen idaacadda VOA.

Dadka dhintay ayaa isugu jira shacab iyo askar.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareeyey qaraxa oo uu ku tilmaamay mid argagixiso oo aan kala sooc lahayn.

Waxa uu sheegay in qaraxa muujinayo sida argagixisadu ugu oon qabaan daadinta dhiigga shacabka.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxyan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:18 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG