Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qoyska Ikraan Tahliil oo ku gacan sayray guddigii uu magacaabay Farmaajo


Ikraan Tahliil
Ikraan Tahliil

Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa ku gacan sayray guddiga uu magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaanaa hooyada Ikraan oo lagu magacaabo Qaali Maxamuud Guhaad ay VOA u sheegtay inaysan waxba ka jirin guddigaas.

Waxay sheegtay inay kalsooni ku qabto Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo maxkamadda milatariga.

Madaxweynaha ayaa maanta magacaabay guddi uu sheegay inay soo baarayaan kiiska Ikraan.

Hay’adda NISA ayaa horey u sheegtay in Ikraan ay u gacangashay ururka Al-Shabaab, ayna dileen, taasi oo uu ururku beeniyey.

Qaali Guhaad ayaa Haaruun Macruuf u sheegtay inaysan oggoleyn guddiga madaxweyne Farmaajo uu magacaabay.

Qoyska Ikraam Tahliil o ku gacansayray guddigii uu magacaabay madaxweyne Farmaajo
please wait

No media source currently available

0:00 0:00:50 0:00


XS
SM
MD
LG