Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay guddi baara kiiska Ikraan Tahliil


Farmaajo
Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta magacaabay guddi baaritaan ku sameeyay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar ka tirsaneyd NISA, oo hay’addu ay sheegtay inay dileen Al-Shabaab, balse Al-Shabaab ay beeniyeen.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya in baaritaan daah furan lagu sameeyo Kiiska Sarkaal Ikraan Tahliil Faarax ayaa u magacaabay Guddi Qaran oo ay hoggaaminayaan Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.”

Xubnaha guddiga ayaa kala ah:

1- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiye
2- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiye-ku-xigeen
3- Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Xubin
4- Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Xubin
5- Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Hay'adda Nabad -Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Xubin

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa isna horey ugu amray maxkamadda ciidamada qalabka sida inay baaritaan ku sameyso kiiskan.

XS
SM
MD
LG