Ku dhowaad 30 musharrax oo u tartamaya siddeedda kursi ee Aqalka Sare ee kasoo gala maamul goboleedka HirShabelle ayaa maanta khudbado ka hor jeediyey baarlamaanka maamulkaas.
Maamulka HirShabeelle ayaa soo saaray liis ay kuraasta qaarkood ay u tartamayaan illaa lix musharax, taasi oo ka duwan maamullada kale oo badankood kuraasta u xiray kaliya laba musharax.
Doorashada Aqalka Saree e HirShabeelle ayaa dhacaysa Talaadada berri ah. Warbixintan waxaa soo diray Xuseen Xasan Dhaqane.