Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay wafdigii QM kala hadleen Farmaajo iyo Rooble?


Wafti Mas’uuliyiin sare ah oo ka socda Qaramada Midoobay oo tagay magaalada Muqdisho ayaa kulamo la yeeshay madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo ay maalmahan xiisadi ka dhex taagnayd.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayeey ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Amina J Maxamed, waxaana xubnaha ay la kulantay sidoo kale ku jiray madaxda maamul goboleedyada.

Qoraal ay soo saartay kadib kulankeeda ayey ku tiri “Ra’isal Wasaare Rooble iyo xubnaha kale ee Golaha Wada-Tashiga Qaranka waxa ay muujiyeen hoggaamin weyn iyo ka go’naansho ay ku horumarinayaan ka qeybgalka haweenka ee siyaasadda, taasoo loo marayo tallaabooyin gaar ah ay ka mid yihiin dhimista lacagaha musharaxnimada ee labada gole, iyo in la magacaabo danjireyaasha niyad wanaagga, iyo dad horyaal ah oo u ololeeya ka qeybgal intii hore ka weyn. Waxaa kale oo muhim ah in la isku raaco hannaan gaar ah oo ku saabsan sida saxda ah ee go’aanka qoondada boqoliiba 30-ka ah loogu xaqiijin karo doorashooyinka soo socda.”

Wariyaha VOA-da ee Muqdisho Xasan Kaafi Cabdiraxmaan Qoyste ayaa warbixintan soo diray.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:48 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG