Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Toronto oo xus u sameysay Injineer Yariisow


Yariisow
Yariisow

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa xus u sameeyay Allah ha u naxariiste Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusman (Yariiisow) oo ka mid ahaa qurbajoogta Soomaaliyeed ee naftooda ku waayay iyagoo u adeegaya bulshada.

Wuxuu ahaa guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo Duqa magaaladaa Muqdisho, wuxuuna u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay xafiiskiisa xarunta gobolka Banaadir.

Yariisoow ayaa ka mid ahaa qurbajoogta Soomaalida ee siyaabo kala duwan gacan ugu geysta horumarinta dalka, haddii ay noqon laheyd dib u dhiska dalka iyo siyaasadda intaba.

Xuska Jaaliyadda Toronto waxaa ka qeybgalay Maxamed Cabdiraxmaan Cusmaan oo ah wiilka Yariisow, ahna xoghayaha xaafiiska ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.

Wariyaha VOA ee dalka Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa warbixintan Toronto ka soo diray.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Toronto oo xus u sameeyay Ijineer Yariisow
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:55 0:00

XS
SM
MD
LG