Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Farmaajo iyo Rooble


Farmaajo iyo Rooble
Farmaajo iyo Rooble

Magaalada Muqdisho waxaa wali ka taagan xiisad siyaaasdeed oo salka ku haysa khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Farmaaji iyo Ra’iisul Wasaare Rooble oo wali xal loo la’yahay.

Shirar xiriir ah oo Rooble iyo Farmaajo lagu dhex-dhexaadinayay ayaa guul-dareystay, kaddib markii labada mas’uul uu mid walba mowqifkiisa ku adkeysaty.

Dhinaca kale, RW Rooble ayaa qoraal ku amray wasaaradda Maaliyadda in aanay wax lacag ah ka saarin qasnadda dowladda, iyada oo aan wax fasax ah isaga ka helin.

Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Farmaajo iyo Rooble
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:53 0:00

Dhinaca kale, khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo RW ayaa dadka fallanqeeya arrimaha Somalia waxay sheegeen in haddii aan xal deg-deg ah loo helin uu keeni kara Khalkhal ammni iyo waliba dib u dhac ku timaada doorashada madaxtinimada Somalia.

Jamal Ahmed Osman ayaa Khadka taleefonka ee Muqdisho ku wareystay Prof. Liibaan Xuseen Ciise oo ah barre jaamacadeed, isagoo ugu horreyn weydiiyay wuxuu ku qiyaasi karo xaaladda siyaasadeed cakiran ee u dhaxeysa labada mas’uul.

Wareysi: Dhibaatooyinka ka dhalan kara khilaafka madaxda
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:18 0:00


XS
SM
MD
LG