Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul Wasaare Rooble oo beddelay Wasiirkii Amniga


Rooble
Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey wuxuuna ku beddelay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble “Ra'iisul Wasaaraha XFS Mudane Mohamed Hussein Roble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka, tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 08/09/2021 Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.”

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo loolanka dhanka awoodda ah uu ka dhex oogan yahay ra’iisul wasaaraha iyo madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa xalay u magacaabay taliyaha NISA Yaasiin Farey, taasi oo ka hor-imaneysa magacaabis uu laba maalmood kahor sameeyey Rooble, oo xilkaas isna u magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac.

XS
SM
MD
LG