Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho


Farmaajo Rooble
Farmaajo Rooble

Waxaa cirka isku sii shareeraya loolanka awoodeed iyo midka siyaasadeed ee maalmihii la soo dhaafay ka dhex oognaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha ayaa xalay qaaday tallaabooyin uu ku magacaabay dhowr xil oo dhanka amniga ah. Waxauu si ku-meel gaar ah agaasimaha hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ugu magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Fareey, halka agaasimihii hore Fahad Yaasiin uu u magacaabay la-taliyihiisa Amniga Qaranka.

Rooble ayaa ka horyimid magacaabistii agaasimaha Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Rooble uu soo dhaweeyay is-casiladdii agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, isagoo dhinaca kale amray Sarreeye Guuto Bashiir Maxamed Jaamac oo uu xilka sii-hayaha NISA u magacaabay inuu si degdeg ah u billaabo shaqadiisa.

Warbixin ku saabsan xiisadda ka dhalatay arrintan iyo wararkii ugu dambeeyey waxaa Muqdisho kasoo dirtay Seynab Abuukar Maxamed.

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:27 0:00


XS
SM
MD
LG