Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cali Guudlaawe oo shaaciyey liiska murashaxiinta Aqalka Sare


Guudlaawe
Guudlaawe

Madaxweynaha maamul goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe ayaa maanta soo saaray liiska murashaxiinta xubnaha Aqalka Sare ee laga soo dooranayo maamulkaas.

HirShabeelle ayaa waxaa laga soo dooranayaa illaa sideed Senator, wuxuuna madaxweyne Guudlaawe shaaciyey dhammaan murashaxiinta sideedda kursi.

Sida ka muuqata liiska, waxa uu madaxweynaha HirShabeelle ka dhigay doorashada mid furan, oo ay ku tartamayaan murashaxiin badan, ayada oo kuraasta qaar uu kusoo qoray illaa lix murashax.

Tallaabada uu qaaday Guudlaawe ayaa ka duwan madaxda maamul goboleedyada kale oo horey loogu eedeeyey inay kuraasta u xireen xubno ay wateen oo lala tartansiiyey murashaxiin loo arkay magac u yaal.

Maamulka HirShabeelle ayaa ahaa mid kale kaliya ee harsanaa, ayada oo maamul goboleedyada kale ay qaar soo dhameystireen doorashada Aqalka Sare, halka qaar kalena lagu doortay qeyb ka mid ah kuraasta.

XS
SM
MD
LG