Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Twitter-ka NISA oo lagu sheegay in xilka agaasimaha uu la wareegay Yaasiin Farey


Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ah ee Twitter-ka ee hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-suggida Qaranka ayaa lagu sheegay in xilka agaasimaha uu la wareegay Gaashaanle Sare Yaasiin Farey oo uu xalay magacaabay madaxweyne Farmaajo, waxaana xilkaas hore u hayay Fahad Yaasiin.

"Waxaa Taliska Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka ka dhacday munaasibad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee HSNQ, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud. Waxaan Alle uga rejaynaynaa in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee uu Madaxweynaha JFS u igmaday" ayaa lagu yiri Twitter-ka NISA.

Ma cadda, haddii qoraalka Twitter-ka lasoo dhigay uu ka tarjumayo xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta xarunta NISA.

Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka horyimid magacaabistii taliyaha Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud.

Qoraal rasmi ah oo uu saasaray Rooble ayuu sidoo kale ku amray Sarreeye Guuto Bashiir Maxamed Jaamac oo uu shalay xilka sii-hayaha NISA u magacaabay inuu si 'degdeg' ah u bilaabo shaqadiisa.

Ilo wareedyo ayaa VOA u xaqiijiyay inuu jiro qorshe uu galinka dambe ee maanta xarunta NISA ay ku tagi doono Ra'iisul Wasaare Rooble iyo Sarreeye Guuto Bashiir Maxamed Jaamac.

Wixii war ah ee ku soo kordha wararka la xiriira NISA halkan ayaad kala socon doontaan.

XS
SM
MD
LG