Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muxuu khilaafka Farmaajo iyo Rooble uga dhigan yahay siyaasadda Soomaaliya?


Farmaajo Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isniintii shaqo joojin ku sameeyay agaasimaha hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin, taasi oo uu ka horyimid madaxweyne Farmaajo.

Shalay gelinkii dambe iyo xalay waqti dambaba waxaa Muqdisho ka socday kulamo kala duwan, oo la xiriira xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay arrintan.

Rooble, ayaa kulamo la qaatay taliyaasha ciidanka iyo Madaxda Maxkamadda ciidamada qalabka sida, waxaana markale la faray in baaris dhab ah ay ku sameeyaan kiiska Iksraam Tahliil.

Hadaba arrintan maxay uga dhigantahay siyaasadda Soomaaliya? Wariyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa su’aashaas iyo kuwo kale weydiiyay Professor Libaan Ciise oo daraasaadka sare iyo kheynuunka caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda Muqdisho.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:59 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG