Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maamul Goboleedkii labaad oo taageeray Ra'iisul Wasaare Rooble


Rooble
Rooble

Maamul goboleedka Puntland ayaa noqday kii labaad ee taageero u muujiya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kadib go’aankii uu shaqo ka-joojinta ugu sameeyey agaasimihii hay’adda NISA Fahad Yaasiin, taasi oo uu ka horyimid madaxweyne Farmaajo.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri
“Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay ku boggaadinaysaa Ra'iisul Wasaaraha XFS doorkiisa hoggaamineed ee Dalka, gaar ahaan waajibaadka amniga Qaranka, hirgelinta doorashada iyo hogaaminta Golaha Wadatashiga Qaranka.”

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay inay boggaadinayso, soona dhaweynayso “dadaalka Ra'iisul Wasaarahu ugu jiro sidii looga gun gaari lahaa xaaladda Kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyska Ikraan iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedba ay helaan xaqooda Dastuuriga ah.”

“Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa go'aanka Ra'iisul Wasaarahu shaqada kaga joojiyey Agaasimihii Hay'adda Nabad Sugidda Soomaaliya, tillaabadaas oo ah mid waafaqsan Dastuurka Dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Puntland ayaa ku biireysa maamulka Jubaland oo qoraal uu shalay soo saaray ku taageeray shaqo ka-joojinta uu Rooble ku sameeyey Fahad Yaasiin, iyo inuu xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada faray in la baaro kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay difaacay Fahad Yaasiin, wuxuuna amray inuu shaqadiisa sii wato, sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyda Villa Somalia.

XS
SM
MD
LG