Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Midowga Musharaxiinta oo taageeray shaqo-joojinta Fahad Yaasiin


Midowga Musharaxiinta
Midowga Musharaxiinta

Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan go'aanka uu ra’iisul wasaare Maxamad Xuseen Rooble shaqada kaga joojiyey agaasimaha Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Go’aankaas ayaa waxaa ka horryimid madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo Fahad amray “inuu shaqadiisa sii wato.”

“Goluhu wuxuu u arkaa in go'aanka shaqo joojinta uu fure u yahay caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay. Waxay kaloo billow u tahay soo celinta sumcada hay'adda iyo kalsoonida ay shacbaku ku qabi karaan,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen Midowga Musharaxiinta.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale dalbaday in baaritaan lagu sameeyo taliyihii xilka laga joojiyey, waxayna ka horyimaadeen qoraalka uu Farmaajo ku taageeray Fahad Yaasiin.

“Goluhu wuxuu u arkaa qoraalka ka soo baxay Maxamad C/laahi Farmaajo no ah Madaxweyne xilkiisu dhamaaday mid lagu carqaladeynayo cadaalad u raadinta qoyska Ikraan Tahliil, lagu qalqal gelinayo amniga dalka iyo kan doorashooyinka. Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday wuxuu cadaystay in uu saaxiibkiis kala wayn yahay ilaalinta xuquuqda muwaadinka, dastuurka dalka iyo danta qaranka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Midowga Musharaxiinta.

“Goluhu wuxuu cadaynayaa in Ra’iisal Wasaare Rooble uu mas’uul ka yahay amniga dalka iyo kan doorashooyinka, wuxuuna Goluhu ku garab taagan yahay go'aanka uu cadaaladda ugu raadinayo ehelka Ikraan, kaga dhexsaarayo hoggaanka NISA arrimaha doorashooyinka, kuna soo celinayo sumcadii hay'adda.”

Dhinaca kale, Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay ciidanka qalabka sida in ay fuliyaan amarka Ra’iisal Wasaaraha.

XS
SM
MD
LG