Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul Wasaare Rooble oo la kulmay qoyska Ikraan Tahliil


Rooble iyo qoyska Ikraan
Rooble iyo qoyska Ikraan

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar la la’aa tan iyo 26-kii June, oo hay’adda sirdoonka ee NISA ay sheegtay inay dileen Al-Shabaab, balse Al-Shabaab ay beenisay.

Xubnaha uu Rooble la kulmay ayaa waxaa ku jiray hooyadeed Qaali Maxamuud Guhaad, oo ay wehliyaan Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno kale oo ka tirsan ehellada Ikraan.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble, ra’iisul wasaraaha ayaa qoyska Ikraan “la wadaagay dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadooda.”

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afdduubtay,” ayaa lagu yiri qoraalka xafiiska Rooble.

Kulanka ayaa yimid 24 saac kadib markii uu Rooble sheegay inuusan ku qancin warbixinta NISA ay ku sheegtay in Al-Shabaab ay dileen Ikraan, uuna ka dalbaday in 48 saac ay ugu soo gudbiyaan warbixinta dhameystiran.

Rooble ayaa sheegay in kadib 48 saac uu go’aan ka gaari doono tallaabada uu qaadayo ee la xiriirta kiiska Ikraan.

XS
SM
MD
LG