Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-shabaab oo iska fogeeyey dhimashada Ikraan Tahliil


Ikraan Tahliil
Ikraan Tahliil

Ehelada Ikraan tahliil, xubno kamid ah Baarlamanka Soomaaliya iyo madaxdii horay usoo maamushay NISA ayaa ka hadlay warkii xalay kasoo baxay sirdoonka Soomaaliya ee ku saabsanaa in Alshabaab ay dileen sargaal hey'addaas ka tirsanaa oo labadii bil ee lasoo dhaafay la weysanaa.

Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa sheegay in hadalka NISA uu yahay mid la doonayo in lagu jahwareeriyo bulshada, balse aysan u muuqan sabab gabadhooda Alshabaab ugu gaca geli kartay, loona baahanyahay in dowladda bixiso faah-faahin lagu qanci karo.

Weriyaha VOA-da ee Cabdicasiis Barrow ayaa warbixin arrintaas ku saabsan kasoo diray Muqdisho.

Dhageyso jawaabta Al-shabab ee dhimashada Ikraan Tahliil
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:00 0:00


XS
SM
MD
LG