Isku xirrada

War Deg-Deg ah

NISA oo sheegtay in Al-Shabaab ay dileen Ikraan Tahliil Faarax


Ikraan Tahliil

Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay dileen Ikraan Tahliil Faarax, oo aheyd gabar ka tirsan hay’adda oo la la’aa tan iyo 26-kii June, saacado kadib markii ay VOA shaacisay xogtan.

Ikraan ayaa muuqaal la duubay 26-kii June wuxuu muujinayey inay gaar ka raacday gurigeeda oo ku dhow xarunta NISA ee Muqdisho, waxaana horey waalidkeed ay u sheegeen inay wateen dad ka tirsan hay’adda.

“HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin mujinaysa in ay u gacan gashay argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen,” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda federaalka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay hay’adaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan qoyskeeda.”

Warka kasoo baxay NISA ayaa yimid saacado un kadib markii barnaamijka Bandhigga VOA, oo soo xiganaya ilo ka tirsan hay’adda uu shaaciyey xogta la xiriirta in Ikraan ay u gacan gashay kooxda Al-Shabaab.

VOA oo la hadashay hooyada Ikraan ayaa sheegtay in warkaas ay u sheegeen xubno ka tirsan hay’adda balse aysan weli rumeysneyn.

Kooxda Al-Shabaab weli kama hadal warka kasoo baxay NISA ee lagu sheegay inay dileen Ikraan.

Barnaamijka Bandhigga VOA hoos ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:12:59 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG