GAROOWE —
Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa maanta mar kale sheegay in doorashada tijaabada ee seddexda deegaan ay ku qabsoomayso waqtigii loogu talo-galay oo ah 25-ka October.
Hadalkan ayaa yimid kaddib marki qaar ka mid ah ururrada siyasadda Puntland ay shaciyeen in dib loo dhigayo doorashada la filayo in Puntland ay ka qabsoonto dhowaan.
Nuux Muuse Birjeeb ayaa warbixintan inooga soo diray Garoowe.