Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maleeshiyada Al-Shabaab oo qabsaday Bacaadweyne iyo Camaara


Al-Shabab Al-Shabaab
Al-Shabab Al-Shabaab

Kadib markii ay dib uga soo baxeen ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dib u qabsaday deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara ee gobolka Mudug.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in Al-Shabaab ay gudaha deegaanadan lasoo galeen maleeshiyaad aad u hubeysan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo VOA ay la hadashay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan qabsashada deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara.

Talaadadii ayey aheyd markii ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ay dib u qabsadeen magaalada Camaara ee Gobolka Mudug, halkaasi oo muddo kooban ay haysteen maleeshiyada Al-Shabaab.

Isla maalinkaas, warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa soo tebisay in duqayn cirka ah lala beegsaday maleeshiyada ururka Al-Shabaab, nawaaxiga Camaara, waxaana taliska ciidanka Soomaaliya uu sheegay in duqeyntaas lagu dilay 90 maleeshiyo oo Shabaab ah.

Militariga Mareykanka ayaa goor dambe sheegay in fuliyeen duqeyntaas.

XS
SM
MD
LG