Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maleeshiyada Al-Shabaab oo qabsatay magaalada Camaara


Maleeshiyada A-Shabaab ayaa saaka la wareegtay gacan ku heynta magaalada magaalada Camaara ee gobolka Mudug, kaddib markii ay deegaankaas ku soo qaadeen weerar ku billowday qarax ay la eegteen xerada ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Ilo-wareedyo ku sugan Camaara ayaa VOA u xaqiijiyay in ciidanka dowladda, gaar ahaan kuwa Danab iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo maleeshiyada Al-Shabaab dagaalka laga galay ay iskaga baxeen deegaankaas, islamarkaana ay Al-shabaab la wareegtay gaadiid dagaal.

Khasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaalkan ilaa hadda ma cadda, iyadoo saraakiisha ciidamada iyo madaxda Galmudug aysan wali ka hadlin weerarken.

Horraantii bishan ayay ciidmada dowladda iyo kuwa Galmudug la wareegeen magaalada Camaara oo in muddo ah ay joogeen Al-Shabaab, waxaana howlgallo wadajir ah oo ay fuliyeen Galmudug iyo dowladda Soomaaliya ay Al-Shabaab uga xoreeyeen degmooyin ay ku jirto Bacaadweyn, magaalooyin iyo tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Mudug.

Wixii warkan ku soo kordha halkan ayaad kala socon doontaan.

XS
SM
MD
LG