Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha Wadatashiga Qaran oo isku raacay habraac doorasho


Golaha Wadatashiga Qaran
Golaha Wadatashiga Qaran

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho uga socday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa laga soo saaray war-murtiyeed iyo habraacyo doorasho oo ay dhinacyadu isku raaceen.

Sida lagu sheegay war-murtiyeedka, Golaha ayaa isla ogolaaday habraacyo la xiriira doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka oo kala ah; 1- Habraaca Dhiirigalinta Daahfurnaanta Doorashada, 2- Habraaca Maamulka Maaliyadda Doorashada, 3- Habraaca Xulista Ergada Doorashada, 4- Habraaca Amniga Doorashada, 5- Habraaca ilaalinta Qoondada Haweenka, 6-Habraaca doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland, 7- Hawlaha Lataliyayaasha Farsamo ee Golaha Wadatashiga Qaran

Habraacyadan ayaa u muuqda kuwa awood badan siinaya guddiyada doorashada heer goboleed, xilli uu horey u jiray habraac midkan ka duwan oo uu soo saaray guddiga doorashada heer federal.

Habraaca amniga doorashada ayey Golaha isku raaceen in la abuuro Guddiga Amniga Doorashada oo ka kooban 10 xubnood oo kala ah:

1- Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya
2- Taliyaha Booliska Soomaaliyeed
3- Taliyaha Booliiska Puntland
4- Taliyaha Booliiska Jubbaland
5- Taliyaha Booliiska Koonfur Galbeed
6- Taliyaha Booliiska Galmudug
7- Taliyaha Booliiska Hirshabelle
8- Taliyaha Booliiska UNSOM
9- Taliyaha Booliiska AMISOM
10- Xoghaya Amniga ee Guddiga Doorashada Heer Federaal

Golaha ayaa sidoo kale isku raacay in la abuuro ciidan u gaar ah amniga doorashada, gaar ahaan doorashada xildhibaanada Somaliland, kuwa beelaha Banaadiriga iyo doorashada madaxweynaha.

Golaha ayaa sidoo kale mar kale xaqiijiyey in ergada dooraneysa xildhibaanka ay ahaadaan 101, hase yeeshee waxay isku raaceen in kooramku ku buuxsami karo laba meelood saddex meel.

Waxay sidoo kale isku raaceen in Liiska Musharixiinta Aqalka Sare ay si wadajir ah u soo xulaan Ra'iisal Wasaare kKu-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, uuna hubiyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG