Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka furmay


Wadatashiga Qaran
Wadatashiga Qaran

Waxaa xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni ee magaalada Muqdiaho ka furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo ay ka qeybgaleen Ra'isul Wasaaraha Xukuumadda, madaxda shanta maamul goboleed iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ra'isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoominaya kulankan, waxaana inta uu socdo diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

"Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka furmay Muqdisho, kaasoo looga hadlayo dardargelinta howlaha doorashooyinka, diyaarinta habraacyada doorashada Golaha Shacabka , raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xaroon iyo sidii horey loogu wadi lahaa doorashooyinka dalka ka bilowday" ayuu bartiisa Facebook u soo qoray afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibrahim Moalimuu.

Shirkan waxa iclaamiyay Ra'isul Wasaare Rooble todobaadkii hore, kaddib kulan fogaan-arag ah oo uu la qaatay madaxda mamul goboleeyada, isagoo dhinaca kale ku boorriyay dardar galinta iyo hufnaanta doorashada.

Wixii ku soo kordha shirkan halkan ayaad kala socon doontaan.

XS
SM
MD
LG