Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka dhacay agagaarka isgoyska Jubba ee Muqdisho


Muqdisho
Muqdisho

Qarax xooggan ayaa galabta gabbal-dhicii ka dhacay ka dhacay agagaarka isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen VOA.

Qaraxa ka dib ayaa waxaa la maqlayay rasaas xooggan oo ay ridayeen ciidamada dowladda.

Wararka kasoo baxaya qaraxa ayaa sheegay in qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay makhaayad ku taalla Isgoyska Jubba oo ku dhow barta kontorool ee laga galo xarunta ciidanka Nabad-Suggidda Qaranka ee Soomaaliya.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa maqaayaddan oo la sheegay inay fariisan jireen askar ka tirsan kuwa dowladda.

Isla markii uu qaraxa dhacay waxaa goobta isku geedaamay ciidamada dowladda oo hakiyay isu socodka gadiidka iyo dadka.

Goobjoogayaal ka ag dhowaa halka uu qaruxu ka dhacay ayaa VOA u sheegay inay arkayeen gawaarida gurmadka deg deg ah oo kusii qulqulaya goobta qaraxa uu ka dhacay.

Wali laamaha amniga dowladda kama hadlin qaraxan.

Sanadkan gudihiisa ayaa isla goobtan meel aan ka fogeyn uu ka dhacay qarax uu geystay qof isa soo miidaamiyay, halkaa oo ay ku geeriyoodeen dad 10 kor u dhaafayay oo dhallinyaro u badnaa.

XS
SM
MD
LG