Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibad-bax ka dhan ah AMISOM oo Muqdisho ka dhacay


Banaanbax ka dhan ah Amisom
Banaanbax ka dhan ah Amisom

Mudaharaad looga soo horjeedo ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa ka dhacay fagaaraha Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka soo qeybgaleen ehelada dad shacab ah oo lagu eedeeyay in ciidmada AMISOM ay ku dileen magaalada Golweyn ee gobolka Shabeella Hoose.

AMISOM ayaa diiday qirashada dilka dadkan shacabka ahaa, hase ahaatee waxay sheegtay inay baaritaan ku sameyneyso dhacdan, iyadoo markii hore sheegtay inay dileen xubno argagixiso ah.

Hase yeeshee, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii iyo dad kale oo goobjoogeyaal ah ayaa VOA u xaqiijiyeen in dadkaas ahaayeen rayid. Goobjoogeyaasha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dadkan ay ahaayeen beeraley.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ka mid ahaa madaxdii ka hadashay dilka dadkan rayidka ah ayaa sheegay in askartaas sharciga la horkeeni doono, isagoo dhinaca kale xusay inay la xaajoonayaan ehelada dadkii la dilay.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdicasiis Axmed Barrow.

XS
SM
MD
LG