Maareeyaha guud ee dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabbdillaahi ayaa sheegay inay sare u kacday tirada maraakiibta kusoo xidhanaysa dekeda magalada Berbera intii ka danbaysay furitaanka dekeda cusub.
Maareeyaha, oo wareysi siiyey VOA, ayaa sidoo kale xusay inay markii ugu horreysay dekeda Berbera ku soo xidheen maraakiibta waa weyn ee xanbaara Koonteenarada.
Maareeye Siciid Xasan Cabbdillaahi ayaa u warramay weriyaha VOA Khadar Maxamed Cakule.