Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Dalalka Yurub oo loogu baaqay inay soo dhaweeyaan qaxootiga Afghanistan


Kadib qabsashadii kooxda Taalibaan ee dalka Afghanistan, ayaa waxa soo ifbaxayay in dalalka qaarkood loogu baaqayo inay soo dhaweeyaan qaxootiga magangalya doonka ah ee dalkaasi ka soo baxsanaya.

Waxa jiray in qaxooti fara badan oo dalalka Galbeedka qaarkood gaaray oo loo diidey sharcigii deganaashiyaha dalalkaasi, kuwaas oo sugayay in waddankooda dib loogu celiyo, haseyeeshe, dowladaha qaar ayaa arrintaasi joojiyay.

Dalka Switzerland ayaa ka mid ah meelaha dadkaasi ay ku dhaqan yihiin.

Jamaal Axmed Cismaan ayaa arrimahani ka wareystay Cabdiqani Cali Dalmar oo ah wariye degan dalkaas, ugu horeyna waxa uu weydiiyay go'aan ay dowladdu gaartay oo ahaa in la joojiyo dib u celinta qaxootiga reer Afghanistan ee deganaashiyaha ka waayay.

Wareysi: Dalalka Yurub oo loogu baaqay inay soo dhaweeyaan qaxootiga Afghanistan
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:37 0:00


XS
SM
MD
LG