Wararka laga helayo deegaanka Shabeellow ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada daraawiishta Galmudug iyo maleeshiyada Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka deegaanka.
Dadka deegaanka qaarkod ayaa VOA u sheegay in Al-Shabaab ay duulaan ku qaadeen fariisin ay ciidamada daraawiishta Galmudug ku laahaeyeen deegaanka
Saraakiil ka tirsan ciidamada daraawiishta Galmudug ayaa VOA u sheegay inay iska difaaceen weerarkii maleeshiyada Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu sababay khasaare nafeed, waxaana ilo-wareedyo kala duwan ay VOA u sheegeen inay ku dhinteen shan askari, 10 kalena ay ku dhaawacmeen.
VOA ayaa sidoo kale loo xaqiijiyey in dagaalka uu ku dhintay Gaashaanle Maxamed Cali Salaad oo ka mid ahaa saraakiisha daraawiishta Galmudug, sidoo kalena dagaalka lagu gubay gaari dagaal.