Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo la wareegista Taliban ugu yeeray 'mid qalbiga xanuujineysa'


Antony Blinken
Antony Blinken

Diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka ayaa la-wareegista Taliban ee dalka Afghanistan ugu yeeray “mid qalbiga xanuujineysa,” wuxuuna sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka shaqeynayaan inay dhammaan dadka Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeeyey kasoo saaraan dalkaas.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken ayaa sheegay in badqabka shaqaalaha Mareykanka, oo weli ku sugan safaaradda, iyo Afgaaniyiinta caawiyey ay tahay “shaqadooda koowaad.”

“Mareykanka wuxuu sameyn doonaa wax kasta oo suurta-gal ah oo aan awoodno, si aan uga soo baxno dalka, haddii taas ay tahay waxa ay doonayaan,” ayuu Blinken u sheegay Barnaamijka State of the Union ee taleefishinka CNN.

“Taliban waxba ma aynan weydiisan. Waxaan u sheegnay haddii ay faraha lasoo galaan shaqaalaheena ama holwgalladeena inta aan ka baxeyno, ay jiri doonto jawaab deg deg ah oo adag,” ayuu yiri Blinken.

Sarkaal sare oo Mareykan ah, oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa dhinaca kale u sheegay VOA in daad-gureynta safaaradda Mareykanka ee Kabul “ay socoto.”

Sarkaalka ayaa sheegay in kumanaan askari oo Mareykan ah ay imanayaan Afghanistan ayna si buuxda u maamulaan aagga safaaradda iyo garoonka diyaaradaha Hamid Karzai International Airport, oo ku yaalla banaanka Kabul.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Biden ayaa VOA u sheegay in madaxweyne Joe Biden, oo maalmihii tegay ku nasanayey Camp David, lala socodsiiyey xaaladda.

“Madaxweynaha wuxuu xubno ka tirsan Golaha Amniga Qaranka kala hadlay xaaladda Afghanistan, wuxuuna heli doonaa dhacdooyinka ugu dambeeya maanta oo dhan,” ayuu yiri sarkaalka oo codsaday inaan la magacaabin.

Biden ayaa Sabtidii amray in 1,000 askari oo kale oo dheeraad ah loo diro Kabul, si ay gacan uga geystaan sugidda hantida iyo shaqaalaha Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeeyey Mareykanka.

Guud ahaan 4,000 oo Mareykan ah ayaa la filayaa in tagaan Kabul maalmaha soo socda, si ay u xoojiyaan 650 oo askari oo Mareykan ah oo dalkaas horey ugu haray.

XS
SM
MD
LG