Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Afghanistan oo xukunka 'ku wareejineysa' Taliban


Ashraf Ghani
Ashraf Ghani

Wasiirka Arrimaha Gudaha Afghanistan Abdul Sattar Mirzakwal ayaa maanta sheegay in “xukunka si nabad ah loogu wareejin doono” dowlad ku-meel gaar ah kadib markii Taliban ay amartay dagaal-yahanadeeda inay u sugaan gelitaanka magaalada caasimadda ah ee Kabul.

“Shacabka Afghanistan yeysan walaacin, ma jiri doono weerar lagu soo qaado magaalada, waxaa jiri doona in xukunka si nabdoon loogu wareejiyo dowlad ku-meel gaar ah,” ayuu yiri.

Ali Ahmed Jalali, oo ah aqoonyahan fadhigiisu yahay Mareykanka, horeyna u ahaa wasiirka arrimaha gudaha, ayey u badan tahay inuu hoggaamiyo maamulka ku-meel gaarka ah, sida ay ilo-wareedyo diblomaasi u sheegeen Reuters.

Afhayeenka Taliban Suhail Shaheen ayaa u sheegay taleefishinka Al-Jazeera inay sugayaan “In si nabdoon loogu soo wareejiyo magaalada Kabul.” Waxa uu diiday inuu faah-faahin ka bixiyo wada-xaajoodyada ay kula jiraan dowladda.

Si kastaba, Shaheen ayaa sheegay inay doonayaan in si shuruud la’aan ah loogu wareejiyo xukunka dalka. Ma cidda xilliga ay wareejintaas dhici doonto.

Dhinaca kale, madaxweyne Ashraf Ghani ayaa ciidamada dowladda ugu baaqay inay sugaan amniga magaalada Kabul.

“Waa mas’uuliyaddeena, waxaana u sameyn doonnaa sida ugu wanaagsan. cid kasta oo ka fakareysa qas ama raadineysa bililiqo waxaa lagula macaamili doonaa awood,” ayuu ku yiri muuqaal uu soo duubay.

AFP, AP, REUTERS

XS
SM
MD
LG