Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamanka Galmudug oo u codeeyey lix Senator


Baarlamanka Galmudug

Xildhibaanada baarlamanka maamulka gobolka Mudug ayaa maanta u codeeyey lix xubnood oo maamulkaas uga mid noqona doona Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya.

Xubnaha la doortay ayaa kala ah; Saciid Siyaad Shirwac, Yuusuf Geelle Ugaas, Cabdi Axmed Dhuxulow, Samsam Daahir Maxamuud, Cabdixakiim Macallin Axmed iyo Duniyo Maxamed Cali.

Dhammaan xubnahan ayaa loogu codeeyey qaab gacan taaga ah, ayada aanay jirin cid la tartantay kadib markii xubnihii la loolami lahaa ay sheegeen inay tanaasuleen.

Saddex ka mid ah xubnahan oo kala ah; Yuusuf Geelle Ugaas, Cabdi Axmed Dhuxulow, Samsam Daahir Maxamuud ayaa dib loogu doortay kuraastii ay ku fadhiyeen, halka saddexda kale ay cusub yihiin.

Galmudug ayaa noqday maamulkii afaraad ee qabta doorashada Aqalka Sare, hase yeeshee waxaa jirta laba kursi oo weli maamulkaas ku harsan, kuwaas oo aan la shaacin musharaxiinta u tartamaya.

Horey waxaa doorashada Aqalka Sare u qabtay maamullada Jubaland, Koonfur Galbeed, iyo Puntland, ayada oo maamulka Puntland uu yahay kan doortay dhammaan xubnaha uga midka noqonaya Aqalka Sare, oo ah 11 Senator.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG