Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Erdogan oo sheegay inuu la kulmi karo hoggaamiyaha Taliban


Erdogan
Erdogan

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sheegay inuu la kulmi karo hoggaamiyaha kooxda Taliban, si uu gacan uga geysto xaqiijinta nabadda Afghanistan.

Dagaal-yahanada Taliban ayaa wax kayar toddobaad gudihiis qabsaday afar meelood meel caasimad goboleedyada dalkaas.

Turkey ayaa waxaa Afghanistan ka jooga ciidamo qeyb ka ah NATO, waxayna yaboohday inay xaqiijiso amniga garoonka diyaaradaha Kabul, marka ciidamada Mareykanka ay ka baxaan dhammaadka bishan.

Wada-hadallo ayaa u socda saraakiisha Turkishka iyo Mareykanka, waxaana Turkey ay sheegtay inay sugi doonto amniga garoonka, haddii shuruudaha diblomaasiyad, maaliyad iyo sahay laga soo baxo.

“Dhacdooyinkii ugu dambeeyey iyo xaaladda shacabka Afghanistan, runtii waa kuwa aad looga naxo,” ayuu Erdogan ku yiri wareysi uu siiyey taleefishinka CNN Turk.

“Waxaa xitaa laga yaabaa inaan soo dhoweeyo qofka hoggaamiya,” ayuu yiri Erdogan, kadib markii uu ka hadlay dadaallada ay wadaan saraakiisha Turkishka ee wada-hadallo lagula yeelanayo Taliban.

Erdogan ayaa bishii tagtay sheegay in Turkey ay wada-hadallo la yeelan doonto Taliban, taasi oo qeyb ka ah hanaanka nabadda.

“Sababta waxay tahay, haddii aynan xaaladdan u xakameyn si heer sare ah, suurta-gal ma noqon doonto inaan xaqiijino nabadda Afghanistan xilligan,” ayuu yiri.

Wallaaca hadda taagan ee Erdogan ayaa ah cabsida shacabka Turkey ay ka qabaan shacabka kasoo qaxaya Afghanistan, xilli Taliban ay dhul badan qabsaneyso.

Turkey ayaa waxa ay hadda marti-gelisaa 3.6 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah, waxaana xilli dhaqaalaha Turkey uu sii xumaanayo sare u kacaya carada ka dhanka ah, ayada oo mucaaradkuna ay ku baaqayaan inay dalkooda ku laabtaan.

Erdogan ayaa sheegay in Turkey ay xaaladda xakameysay, ayada oo darbi ka dhistay xuduudaha bari iyo koonfureed ee dalkaas.

AFP

XS
SM
MD
LG