Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xubnaha Puntland ku matalaya Aqalka Sare oo la doortay


Golaha Wakiilada Puntland
Golaha Wakiilada Puntland

Doorasho maanta ka dhacday xarunta Golaha Wakiilada Puntland ee magaalada Garoowe ayaa lagu doortay 11-ka Senator ee maamulka Puntland ku matalaya Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Qaar badan oo kuraasta ka mid ah ayaan doorasho la gelin kadib markii, sida la sheegay ay “tanaasuleen,” xubnihii u sharaxnaa, taasi oo sababtay in doorashadu ay waqti gaaban kusoo idlaato.

Xubnaha maanta la doortay ayaa kala ah:

1-Cabdiraxman Maxamed Maxamuud oo ka guuleystay Maxamed Cusmaan Colaad.
2- Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab) oo ka guuleystay Kawsar Cabdulaahi Xirsi.
3- Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) oo ka guuleystay Maxamed Geedi Maxamuud.
4- Cabdulaahi Cali Xirsi (Timacade) oo ka guuleystay Cabdullaahi Maxamed Xaashi Nuur.
5- Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) oo ka guuleystay Ismaaciil Mire Muumin.
6- Daahir Ayaanle Saciid oo ka guuleystay Maxamed Cumar Maxamed.
7- Farxaan Cali Xuseen oo ka guuleystay Hodan Isxaaq Maxamed.
8- Saynab Ismaaciil Maxamed oo ka guuleysatay Aamina Jaamac Ibraahim.
9- Cabdiqani Geelle Maxamed oo ka guuleystay Cabduqadir Maxamad Yuusuf.
10- Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad oo ka guuleysatay Naciima Axmad Bakar.
11- Sareedo Maxamed Xasan oo ka guuleysatay Fartuun Yusuf Jamac.

Maamul Puntland ayaa noqonayaa maalmukii koowaad ee soo dhameystira doorashada Aqalka Sare, ayada oo dhammaan la doortay xubnaha maamulkaas ku matalaya Aqalka Sare.

Maamullada Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa ayagana horey u doortay bar ka mid ah tirada guud ee xubnaha laga soo dooranayo maamulladaas.

XS
SM
MD
LG