Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qoorqoor oo soo saaray liiska musharaxiinta lix ka mid ah kuraasta Aqalka Sare


Qoor Qoor
Qoor Qoor

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa soo saaray liiska musharraxiinta u tartameysa lix ka mid ah sideeda kursi ee Galmudug ku leedahay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa dib u dhigay magacaabista musharaxiinta kuraasta dhimman, waxaana kuraastaas hadda ku fadhiyan Senator Cabdi Qeybdiid iyo Senator Cabdiwaaxid Goonjeex, waxaana ilo ku dhow madaxtooyada Galmudug ay VOA u xaqiijiyeen in ay weli socoto wadatashi la xiriira shakhsiyaadka loo magacaabayo.

Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa waayay kursigiisii, waxaana lagu bedalay Siciid Siyaad Axmed oo ka tirsan golaha wasiiradda Galmudug.

Dhinaca kale, Guddiga Hirgalinta Doorashada heer Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada kuraasta la shaaciyay, iyagoo sheegay in doorashada xubnahaas ay dhici doonto maalinta Khamiista ah.

XS
SM
MD
LG