Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'isul Wasaare Rooble oo gaaray magaalada Mombasa


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Mombasa ee dalka Kenya, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ay ka mid tahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Rooble ayaa Mombasa kula kulmi doona madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo ka mid ah wafdiga Ra'isul Wasaare Rooble ayaa saxaafadda u sheegay in ajandaha shirka Rooble iyo madaxda Kenya aysan ku jirin kiiska dacwada badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

"Inta aan ku jirno safarka Kenya, ka mid maahan in laga hadlo ama dib loo furo arrimaha khuseeya badda, oo ah kiis dhammaaday oo maxkamaddu go'aankeeda sii deyn doonto. Soomaaliya, Kenya, iyo Midowoga Africa midkoodna uma furna inay ka hadlaan kiiskan ilaa Maxkamaddu go'aankaas gaarto," ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.

Shirka Mombasa kaddib, wuxuu Rooble sidoo kale safar ku tagi doona magaalada Nairobi, halkaas oo uu kula kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Nairobi, diblomaasiyiinta dalalka daneeyaa arrimaha Soomaaliya iyo diblomaasiyiinta saxafaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Booqashada Kenya ee Ra'isul Wasaare Rooble ayaa imaaneysa maalin kaddib markii wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo ay booqasho ku timid magaalada Muqdisho, iyadoo Rooble u keentay casuumaad rasmi ah oo oo uga timid madaxweyne Kenyatta.

Kahor intii aanu u ambabixin Kenya, wuxuu Rooble shir la qaatay laamaha, isagoo 'faray' xoojinta amniga doorashooyinka iyo kan caasimadda.

XS
SM
MD
LG