Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamanka Puntland oo magacaabay guddiga doorashada Aqalka Sare


Cabdirashiid Yusuf Jibriil - Guddoomiyaha baarlamanka Puntland
Cabdirashiid Yusuf Jibriil - Guddoomiyaha baarlamanka Puntland

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa magacaabay guddi xildhibaanno ah oo ka kooban shan xubnood, kaas oo maamuli doona doorashada xubnaha Aqalka Sare, taas oo uu sheegay in berri la qaban doono.

Xubnaha ayaa maamuli doona doorashada 11 Senator oo ka mid noqon doona Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, taas oo xildhibaanada Puntland ay u codeyn doonaan.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay soo saaray liiska 22 musharrax oo u tartami doona 11-ka xubnood oo Puntland ku mataleysa Aqalka Sare.

XS
SM
MD
LG