Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo taageertay mowqifka Ra'iisul Wasaare Rooble


Maxamed Xuseen Rooble
Maxamed Xuseen Rooble

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in mas’uuliyinta maamul goboleedka Puntland ay la mawqif yihiin Ra’iisal wasaaraha Soomaaliia Maxamed Xuseen Rooble, oo ay muuqato inuu khilaaf kala dhaxeeyo Soomaaliya.

Rooble ayaa sheegay inuu farayo in dhammaan hay’adaha dawladda federaalka ay si caadi ah u gutaan waajibaadkooda shaqo si waafaqsan dastuurka ku meel-gaarka ah ee dalka, isaga oo sheegay in hay’adaha dawladdu ay joogteeyaan adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee qaranka.

War-saxaafadeedkan ayaa yimid maalin kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu wareegto ku joojiyey in hay’adaha dawladdu ay heshiiyo ama is-afgarad la galaan dawldaha, iyo shirkadaha shisheeye ilaa inta doorashada laga soo gabagabaynayo.

Warbixintan waxaa Garoowe kasoo diray Nuux Muuse Birjeeb.

Puntland oo taageertay mowqifka Rooble
please wait

No media source currently available

0:00 0:00:56 0:00


XS
SM
MD
LG