DHUUSOMAREEB —
Magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug oo ka mid ah meelaha ay ka dhacayso doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa waxaa ku qulqulaya siyaasiyiin u sharaxan kuraasta loo tartamayo.
Haddaba sidee olalaha doorashada looga dareemayaa magaaladaas? Xuseen Barre ayaa ka waraystay Mustaf Bashiir Gobdoon oo ka mid ah aqoonyahannada qurba-jooga ah oo haatan ku sugan Dhuusamareeb.