Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hiroshima: Xus loo Qabtay sanad-guurada Bam-kii Nukliyeerka


Magaalada Hiroshima ee dalka Japan ayaa Jimcaha maanta ah xustay sanad-guuradii 76-aad ee ka soo wareegtay markii uu Mareykanku magaaladaasi ku dhuftay bam-kii ugu horreeyay oo nuclear ah oo lagu weeraro meel ka mid ah caalamka.

Duqa magaalada Hiroshima Kazumi Matsui ayaa munaasabaddii xuska ka sheegay in dunida ay tahay in ay u midowdo dabar-goynta hubka wax gumaada ee nuclear-ka si la mid ah sida ay hadda ugu mideysan tahay la dagaalanka cudurka coronavirus.

Mareykanka ayaa ayaa 6-dii August 1945-kii ku tuuray Hiroshima bamkii atoomik ee ugu horreeyay ee la isticmaalo. Bam-kaasi ayaa burburiyay magaalada islamarkaana dilay 140,000 oo ruux.

Saddex maalin ka dib ayuu ku tuuray bam kale oo nuclear ah magaalada Nagasaki ee isla dalkaasi Japan, waxaana uu galaaftay nolosha 70,000 oo ruux.

Japan ayaa is-dhiibtay 15-kii August, taasi oo soo afjartay dagaalkii labaad ee dunida.

XS
SM
MD
LG